Ingiriiska oo Cunaqabateeyn ku soo rogay shakhsiyaad ka ag dhow Madaxweyne Putin

Laga bilaabo markii uu bilaawday Dagaalka milatari ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, dalalka reer galbeedka ayaa si is daba joog ah u saarayay Cunaqabateeyno ku wajahan madaxda Ruushka oo uu ugu horeeya  Madaxweynahooda Vladimir Putin.

Xukuumadda Britain ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in xirmo cusub oo cunaqabatayn ah ay ku soo rogeen 12 shakhsi oo ku dhow Madaxweeynaha Ruushka, kuwaasi oo ay Britain ku eedeeysay inay maalgaliyaan qaab nololeedka Putin.