Mareykanka oo 40 bilyan oo Dollar ugu deeqay Ukraine

Congress-ka Mareykanka ayaa ansixiyay lacag dhan 40 bilyan oo dollar oo gargaar ahaan loo siinayo Ukraine, tallaabadan ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in dhaqaalaha lagu caawiyo Kyiv ee looga hortagaya duullaanka Ruushka ay u badan tahay in ay dhammaato maalmaha soo socda.

Dalabkan ayaa waxaa codkooda ku meel mariyay 368 mudane, oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, kadib markii uu codsi kaga yimid Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Deeqdan ayaa sida la xusay isugu jirta mid Milatari, iyo mid Bini’aadannimo, waxana la filayaa in Golaha Guurtid oo raacaya meel maraintii Aqalka Wakiilada ay ansixiyaan deeqdan Todobaadka soo socda.

Lacagtan ayaa u ogolaan doona Ukraine inay soo iibsato Gawaarida gaashaaman iyo agab Miratari si ay u xoojiso difaaceeda.