Ciidamada Israa’iil oo toogtay Wariye ka tirsaneyd TV-ga Al-jazeera

Wariye ka tirsan muuqaal baahiyaha Aljazeera ayaa lagu dilay Rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay maamulka Telefishinka Aljazeera, balse Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay dileen ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka taagnayeen qalalaaso.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Wariye Shireen Abu Akleh, waxayna intaasi ku dartay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada Israa’iil ayaa lagu sheegay inay ciidamadooda ay Rasaas fureen kadib markii ay weerar xoog leh ay kala kulmeen deegaanka Jenin, waxayna intaas ku dareen inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay Rasaastii ay soo fureen Falastiiniyiinta.