Ciidanka xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay nabad-diidka Al-shabaab

Cutubyo ka tirsan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee CXDS ayaa howlgal qorsheeysan kafuliyayay degaanka Ceelcadde oo qiyaastii  30-km u Jira Magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka Somaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay howlgalkaasi ku dileen 11 dhagar qabe, halka nolosha lagu qabtay 2 ka mida malleeshiyada.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale naba-ddidka ka furtay 6 Ak-47 , hal BKM ah iyo rasaas fara badan.