Diiwaan gelinta murashixiinta madaxweynaha oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dalka ayaa sheegay in ay maanta 4-ta galabnimo ku eg tahay diiwaan gelinta murashixiinta.

Xildhibaan, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo xubin ka ah guddiga qaban-qaabada ayaa sheegay inay labadii maalmood ee tagay diiwaan geliyeen 32 musharrax inta kalena la dhammaystiri doono galabta, kadibna ay u gudbi doonaan howlaha kale ee u harsan.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay billaabato jeedinta qudbadaha musharrixiinta , waxaana ugu dambayn 15 bishan May lagu wadaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.