Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada XFS Soomaaliya oo daahfuray barnamijka Waxbarashada deg-dega ah ee gurmadka abaaraha soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare, XFS soomaaliya Mudane, Eng Hon Abdullahi Abukar Haji , ayaa daahfuray barnamijka Waxrashada deg-dega ah ee gurmadka abaaraha soomaaliya, wajigiisii koowaad oo socon doona Muddo 9 bilooda.

Daahfurka Barnaamijka Caawinta dadka ay abaarahu saameeyeen ee dhinaca Waxbarashada ayey ka faa’iideysan doonaan in ka badan 75,000 Arday, 1800, oo isugu jiro Maamulayaal iskuulo, Macalimiin, waxaana goob joog ka ahaay xaflada daahfurka Wasiiradda Waxbarashadda 4-ta dowlada Goboleed ee Koofurgalbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Galmudug, madax ka socotay Hay’adaha UNICEF, WFP iyo GPE.