Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan laqaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan salaan iyo hambalyo ah la qaatay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha la wadaagay sida shacabka reer Jubbaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxweynahu wuxuu Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka maanta lagu fasaxay xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland gaar ahaan Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxa uuna u hambalyeeyay Guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka madaxweyne Guudlaawe iyo Guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha oo diiwan-gelintooda ay socoto,waxayna labada masuul hoosta ka xariiqeen in la laba jibbaaro dadaalada ku aaddan dhameystirka doorashada.