Guddoomiye Sheikh Aadan Maoobe oo xafiiskiisa ku kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya danjire Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo dhoweeyay doorka boqortooyada Sucuudiga ee ku aaddan horumarinta iyo garab istaaga joogtada ah ay ku leedahay dalkeena.