Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah safiirada Beesha caalamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee dalkeenna mudane Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe  ayaa bogaadiyay doorka wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.