Guddoomiyaha Aqalka sare oo amniga doorashooyinka kala hadlay Taliyeyaasha CXD iyo Booliiska

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Taliyeyaasha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay adkaynta sugidda Amniga Doorashada iyo midka guud ee Dalka.