Ciidamada DF oo ku guuleystay in ay furaan wadooyin ay go’doomiyeen Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddo toban sana ah kadib ku guuleystay inay isku furaan wadooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansax-dheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xubno ka tirsan cadawga Argagixisada oo muddo toban sana ah wadooyinkaasi go’doomiyay, kuna dhuumaaleysanayay.

Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka Xoogga ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gureey.