Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageyd ayaa maanta safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay Mr. Dabageed wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo madaxda ugu sareysa Dowladda.