Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka BFS marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa hoyga ay ka dagantahay magaaladda muqdisho kuka kulantay musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.
Dhinacyadaasi waxa ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo dardar galinta doorashada madaxweynaha dalka ee lagu balansanyahay in ay dhacdo 15 –ka bisha aynu ku gudda jirno.
Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa kadib ugu hambalyeeyay guushii ey ka gaartay kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka BFS