Kulankii Golaha Shacabka oo goor-dhow furmay

Waxaa goor_dhow furmay kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasi oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka ayaa wuxuu kusaabsanyahay soo xulidda guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal, kuwaasoo ka shaqeyn doono qabashada doorashada Madaxweynaha.