Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Saree e BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada aqal ee BJFS.