Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hambalyo u  diray guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo  2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo kala doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaggoo u rajeeyey in alle uu u fududeeyo Waajibaadka qaran ee loo doortay.