Doorashada guddoomiye ku xigeennada golaha shacabka oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Soomaaliya iyo ku xigeenka labaad sida xalayto ay ku ballameen guddiga hirgelinta doorashada Aqalka hoose.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka hoose ayaa waxaa u sharraxan 10 xildhibaan, halka ku xigeenka labaadna ay u sharraxan tahay 7 mudane.

Guddiga doorashada guddoonka aqalka hoose ayaa sheegayn inay ka go’an tahay maanta dhammaystirka guddoonka, si maalmaha soo socdo ay guda galaan qaban-qaabada doorashada madaxweynaha hoggaamin doona dalka afarta sana ee soo socota.

Kalfadhiga maanta ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xalay loo doortay Afhayeen golaha shacabka Soomaaliyeed.