Guddoomiyaha KMG ee Golaha shacabka oo sheegay inaysan codeynin 17 xildhibaan

Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 4-aad ee golaha shacabka ayaa hada ka furmay xarunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Hab-dhowraha BJFS Xildhibaan  Cabdulaahi Maxamed Xasan  Nuux, ayaa dhaariyay laba xildhibaan oo uu ka mid yahay Yaasiin Fareey oo ah sii hayaha taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Ajandaha kulanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS Iyo Ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha KMG ee BJFS xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo kulanka furay ayaa sheegay in fadhiga ay fadhiyaan 257 xildhibaan balse 17 oo ka mid ah xildhibaanada aysan cod yeelan doonin caawa.