Xildhibaanada golaha shacabka oo dhageystay hadal-jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka BJFS

Xildhibaanada golaha shacabka iyo xubnaha golaha Aqalka sare ayaa maanta oo sabti ah dhageystay hadal jeedinta musharaxiinta isku diiwaangeliyay tartanka guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad,iyadoo sidoo kale, beri la dhageysan doono khudbadaha musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2-aad.

Musharax kasta oo u tartamaya xilka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa la siiyay min 15-daqiiqo oo hadal jeedin si uu ugu soo bandhigo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsiga uu u jeedinayo xildhibaanada go’aanka ka gaaraya codeyntiisa.

8-musharax ayaa isku diiwaangelisay xilka guddoomiyaha golaha shacabka,waxayna kala yihiin

  • Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan
  • Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig
  • Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black
  • Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
  • Xildhibaan Xasan Cabdinuur
  • Sadiq Cabdullaahi Cabdi
  • Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
  • Xildhibaan Adan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Dhanka kale, Golaha Aqalka sare waxaa ka socda dhageysiga hadal-jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Aqalka sare, guddoomiye ku-xigeen 1-aad iyo 2-aad.

Senatarada u tartamaya guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa si isku mid ah loo siiyay mid 20-daqiiqo oo uu mid walba ku soo bandhigayo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsigiisa.

3-musharax ayaa isku diiwaangelisay xilka guddoomiyaha Aqalka sare, 2-musharax guddoomiye ku-xigeenka koowaad halka 7-musharax ay isku diiwaangelisay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare.