”Male” iyo ”dhab” waa labo erey oo afkeenna duugga ah ka mid ah, lagana yaabo in macnahoodu uu luqad kasta ku jiro, laakiin labadaas kalmadood midkee buu macnihiisu horumarka nolosha u fiican yahay?
Laakiin waxaa su’aashaas ka horraysa ”Horta ma fiican tahay in la horumaro mase waa xun tahay?”. Sida ay dadkeennu u dhaqmaan kana muuqato markii la daliishado waxaa caddaanaysa in uu horumarku xun yahay, islamarkaas uu qofkii wax lagu horumarayo la yimaadaa ummadda cadowgooda uu yahay, maxaa yeelay horumarku sida badan waa in sidii la ahaa laga doorsoomo oo si kale looga gudbo, taasina waxay dagaal ku tahay waxyaalihii la haystay iyo sidii loo noolaa, laakiin haddii ereyga ”horumar” la maqlo dadkeennu ma dhibsadaan, ee machihiisa ayey beensadaan!
Haddaba erey maqalkiisa la jecel yahay in macnahiisa runta ah la neceb yahay waxaa keenay in aynu nahay ummad aan fakarin, ee iska nool oo hadba wixii la doono lagu shubto. In uusan hadalkaasi gaf ahayn waxaa soo dhawaynaysa in afka soomaaliga ee gaboobay uu ka maqan yahay ereyga ”fakar”.
Ereygaasi afkeenna wuxuu ka soo galay Luqadda carabiga oo malaha ah afkii ugu horreeyey ee qalaad oo af soomaaliga saameeyey.
Fiiri– Xagga dhismaha kama uusan saamayn ee dhinaca ereyada ayuu ka saameeyey.
Ereyada afkaas qalaad ka soo jeedo labo nooc bay kala yihiin, waana ereyo aynu macnohooda horay u hayney iyo kuwo aanan aqoon ee sidoodaba afkaas qalaad naga soo gaarey.
”Arlo”, ”samo”, ”sino”, ”xaqiiq” iyo ”danni” horay baynu u lahayn ereyo la macne ah oo waxaa laga yaabaa in ay ahaayeen ”dhul”, ”cir”, ”dhillaysi”, ”dhab” iyo ”male”, hase ahaatee ”kitaab”, ”kursi”, ”qalin”, ”fakar” iyo ”jihaad” waxaannu u malaynayaa in aanan horay u aqoon, oo uu macnohoodu inaga maqnaa.
Labadaas nooc oo ah ereyada aynu lahayn haddana aynu ku darsannay kuwii la macnaha ahaa ee carabiga ahaa iyo kuwa magacyada alaabada u badan oo aanan horay u aqoon waxaa weheliya ereyo aynu iska xoornay markii ay inagala qurxoonaadeen kuwo carabi ah.
Ereyada lumay waxaa malaha ka mid ah kuwii u dhigmey ”shahwad” ama ”mino”, waxaana fiican in wadaaddada naga waaweyn la weydiiyo waxa ay ahaayeen ereyadaas lumay. Waxaa laga yaabaa in ay ku jawaabaan in ay ahaayeen ”biyo” iyo ”xawo”, laakiinse ereyga ”xawo” waxaannu u malaynay in uu laboodka u gaar yahay oo sidaas darteed wadaaddada waaweyni waa in ay keenaan ereygii minada dumarka loo yaqiin oo lumay, haddii kale waxaa la noqonayaa dad aan fakarayn.
In uu afkeenna ku jiro ereyga ”xasuus” oo uusan ku jirin ereyga ”fakar” waxaa laga yaabaa in ay keentay in uusan fakarba dhulkeenna ka jirin ee ay xusuus keli ah ka jirtey.
Ummad kasta waxyaalaha dhulkooda ka jira ayaa afkooda laga helaa, ee wax aysan aqoon luqaddooda kuma jiraan, tusaale ahaan ereyga ”bah” macnehiisa waxaa laga yaabaa in aan luqadaha ummadaha kuwa ugu hodansan laga helin, waayo in baho badan la yeeshaa waa arrin ay dadyow gaar ah sameeyaan.
Qofka soomaaliga ah sida uu ereyada ”suusac” iyo ”oodkac” u fahmayo waxaa dhici karta in aan dad badani ula aqoon, waxaana laga yaabaa in aynu nahay dadka adduunka ugu Oodkac jecel, laakiin haddii dukaamaada Ameerika ku yaalo ee cuntada la galo alaabta taal badankeeda wuxuu qofka soomaaliga ah magacyadooda ka garanayaa hilib iyo caano. Laga yaabee in ay jiraan qaar moos ama Babaay yaqaana, laakiin waa dad laga badan yahay.
Waxaa isweydiin leh markii uu ereyga ”fakar” afka carabiga naga soo galay wax miyuu nagu soo biiriyey? Waxaa la hubaa in uusan ereygaasi soomaalida ula falgelin sida ay ula falgaleen ereyo kale oo carabi ah. Waxaa kalmadaha carabiga ah ee aynu sida tooska ah u qaadanay una fahamnay ka mid ah ereyga ”istinjo”, laakiin ”fakar” dhegta ayeynu ka maqalnay ee tan iyo haddeer ma naqaan macaha uu ku fadhiyo.
Labo oraahood oo ummadaha badankooda siiba reer galbeedka macneyaal waaweyn la leh midna dhanka soomaalida kama jiro, waana ”Waxay ila tahay” iyo ”Waan fakarayaa”. Waxaa laga yaabaa in ay nagala weyn yihiin ”Annaga reer hebel ah waxay nala tahay”
Qofkii sidaas u hadlaa ma fakarayo ee wax buu xasuustaa, mana uu oggolaan karo horumar, waxaase in xoogaa laga doodo ku habboon labo erey oo aynu horay ku soo aragnay, oo kala ahaa ”dhab” iyo ”male”.
Qofba qofka uu ka doqonsan yahay ama uu ka aqoon hooseeyo wuu uga dhow yahay dadka in uu wax dhab ama hubaal u qaato, oo dadka ay garaadkooda iyo aqoontoodu liitaan waxba ma maleeyaan ee wax ay rumaystaan ama dhabaystaan bay naftooda taagta daran ku hanuuniyaan.
Dadka maangaabyada ah wax kasta oo la soo gudboonaada waxay ka qaataan aragti ay hubaal ugu qancaan ama ay diiddo ku nacaladaan, isla markaas wax loo sheego ayey iska sugaan, oo waxay ku kooban yihiin wax ay beensadaan iyo wax ay rumaystaan ee waxba ma ay maleeyaan.
Malaha iyo shakiga waxaa laga yaabaa in aysan noolayaasha aan dadka ahayn lahayn, ee ay wax kasta oo ay la kulmaan aragti ay ku qancaan ka qaataan, oo aysan tuhum badnayn. Sidaas darteed ayey dadnimadu ku jirtaa in wax kasta loo maleeyo siyaalo kala duwan, oo la fisho in ay dhici karaan malaayiin siyaalood oo suurtagal ah, ee aan ”Waa xaqiiq!” lala soo boodin.
Haddii xayn Ari ah qabaal ama dar ay biyo ka buuxaan lagu sii daayo waxay hubaan in ay cabbi doonaan, hase yeeshee dadku haan biyood waxay u malaynayaan in ay ka cabbi doonaan, oo ma hubaan, waayo waxaa laga yaabaa in loo diido oo uu dagaal dhaco inta uusan waxba cabbin. Waxaa kale oo suurtagal ah in uu haanta gadaankeeda Mas halis ah saaran yahay oo uu qofka harraadan inta la qaniino ay naftu dhaqso uga booddo, markaasna uusan biyahaas calfan.
Maqaalkaan wuxuu naga horumarinayaa liidnimo ka muuqatay xagga qoraallada lagu abuuro afka soomaalida, waayo waxaa muuqata in ay soomaali badan markii ay ogaadeen in wax la qoro ay hubaan in ay ayaguna qoraallo abuuri karaan, oo aysan malaynayn in aysan hibo iyo hargaantinimo u lahayn in hadalka diyaarintiisu ay tahay wax ay dad dhifdhif ah awoodaan, halka ay dad aad u badan awoodaan in ay har iyo habeen raashin cunaan iyo in ay kacsadaan oo kaliya!
Qofkii xishoonaya oo bogagga soomaalida ee internetka akhriyaa wuxuu dareemayaa in aan nahay ummad aan maskaxda ka irmaanayn.
Haddana waxay soomaalida ku maahmaahdaa ”Dameeraha midda ugu foolxun baa ugu haraati kulul, waxaana la mooda in ay dadka kuwa ugu qaabayn iyo feker liitaa ugu qoraallo badan yihiin bogagga internetka.
Dadweyne badan baa kartidoodii qoraalka ku soo bandhiga halkaas , waxaana ka muuqda in aynu qaabka hadalka loo abuuro cuuryaamiin ka nahay, oo haddana suuqa la taagan murti baan haynaa.
Ereyga ”dadweyne” waa kalmad loola jeedo dadka ay shaqadooda adduunku tahay in ay subaxii shaqo ama baryo u kallahaan, isla markaas ay isguurguursadaan si ay dadweyne kale u dhalaan. Dadweynahaasi.
Sida badan dad ay dhaleen iyo hanti wax aan ahayn kama tagaan markii ay geeriyoodaan. Gobollada soomaalida qaarkood markii qof maangaabnimo lagu xamanayo waxaa la dhahaa ”Boowe kaasi waa dadweyne”, oo uu macneheedu yahay in uu reerkiisa dhaqan karo, laakiin aan aragti dheeraad ah laga dhaxli karin.
Sideedana bulshada waxaa waxtar u leh qofkii waxtar ah. Baahida akhriska qofkii dareemaya oo bogagga internetka iyo maktabadaha ka doondoona qoraal soomaali ah oo u dhigma qoraallada wargeysyada iyo buugta ummadaha kale wax u dhigma ama u dhow wuxuu dareemaya in ay ummaduhu kala hareen ”maalinta baahida”.
Walaacaas waxaa igu abuuray in aysan soomaalidu aqoon fiican u lahayn hal-abuur qoraal ah, isla markaas aysan ka sii fakarin noocyada waxyaalaha la abuuraa ay kala yihiin.