KISMAAYO- Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, guddiga Xallinta Khilaafadka EDRC iyo Guddiga SEIT Jubbaland ayaa shir wadajir ah ku yeeshay magaalada Kismaayo ee Xarunta KM ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Shirkan ayaa looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa doorashada deeggaanka labaad ee Jubbaland (Ceelwaaq) oo lagu wado in dhawaan la qabto si loo dhammeystiro 16 kursi ee ku dhimman Jubbaland.
Shirkan ayaa muujiyey diyaar garow aad u wanaagsan oo ku aaddan qabashada doorashada kuraastaas.