Xaflad lagu soo bandhigay Buugga Mangalool ee uu qoray Wasiir Dubbe oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Waxaa xalay magaaladan Muqdisho lagu soo bandhigay Buugga Mangalool oo uu qoray Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dr; Cismaan Abubakar Dubbe.

Munaasabadda oo ay ka qayb galeen madax ka tirsan golayaasha dowladda, bahda qalinleyda iyo marti sharaf ayaa waxaa ugu horreyn ka hadashay Ugbaad Cabdi oo ka mid ahayd qaban-qaabiyayaasha xafladda daah-furka, waxanay sheegtay in Buugga uu diiradda saarayo tacaddiyada ay Hooyadu kala kulanto mararka qaarkood Ubadkeeda iyo miisaanka ay hooyo leedahay.

Ugbaad ayaa intaa ku dartay in Buugga uu qoray Wasiir Dubbe uu si wacan u dul istaagayo dhallinyarada maanka laga xado ee iyagoon wax baran loo adeegsado siyaabo qabdan iyo dareenka ay ka muujineyso Hooyada ay dhibaatadaasi soo wajahdo, isagoo ku cabbiraya hab Suugaaneed.

Siyaasi, Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa Wasiir Cusmaan Abuubakar Dubbe ku tilmaamay Shaqsi lagu illaawi kara Suugaan yahannada waaweyn ee Soomaaliya, wuxuuna ku sifeeyay dhaxal u yaal da’da haatan nool iyo jiilalka dambe.

Qoraaga Buugga Mangalool, Prof; Cusmaan Abuubakar Dubbe ayaa ugu dambayn sheegay in ujeeddada Buuggan ay tahay adkaynta milgaha Af-Soomaaliga iyo in uu dhaxal u reebo jiilasha dambe.