Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee kutimid Allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo ay xalayto kooxo hubeysan ku dileen degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Galmudug ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xigtada marxuumka, waxuuna Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza.