Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyay Hoobiyaashii maanta ku dhacay Aga gaarka Xarunta Vila Hargeysa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cambaareeyay Falkii hoobiyaasha ahaa ee Maanta lagu qaaday Xarunta Vila Hargeysa ee Muqdisho,isagoona sheegay in uu ahaa falkaasi mid argagixiso oo la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka Soonaaliya

“Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato”Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidokale bogaadiyay dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaaruha ayaa bogaadinaya shaqada naf hurnimada ah ee Ciidamada Qaranka isagoo faray Taliyeyaasha Ciidammadu in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.