ruushka oo uga digay Mareynkanka iyo xulafadiisa hubka ay ku taageerayaan Ukraine

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa si faahfaahsan uga hadashay Khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo jabka gaaray ciidamada Ukraine tan iyo markii uu bilowday duullaanka.

Jeneraal Igor Konashenkov oo u hadlay gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegay in 23,367 askari oo isugu jira milateriga, jabhadaha iyo ajaaniibta kula dagaallamaysa Ukraine ay ku dhinteen dagaalka tan iyo markii uu bilowday dhammaadkii February.

Waxa uu sheegay in magaalada Mariupol oo keliya ay ku dhinteen in badan 4,000 oo dagaalyahan, ayna kamid yihiin xooggaga jabhadaha xagjirka ah ee Azov iyo Aidar.

Ruushka ayaa ku doodaya in dowladda Ukraine ay qarinayso jabka soo gaaray ciidankeeda, isla markaana ay Moscow dhawaan soo bandhigi doonto xogtada khasaaraha milateri oo faahfaahsan.

Sidoo kale, Ruushka ayaa u digay Mareynkanka iyo xulafdiisa ee taageerada siinaya Ukraine, qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay dagaalka Ukraine uu Ruushka ku qaaday.