Ciidanka xoogga dalka oo deeq raashiin ah gaarsiiyay qoysas dan yar ah

Taliska Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-Gor ayaa deeq raashin ah u qeybiyay Agoontii ay ka tageen Geesiyaashii u huray naftooda difaacidda dalka.

Raashinkaan ayaa ah mid ay ka gooyeen garaamkooda, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, waxayna ugu talagaleen in qoysaska iyo Agoonta ay ka tageen Aabayaashii xoogga dalka ka tirsanaa lagu dhiirageliyo.

Sidoo kale, ciidamada xoogga dalka ayaa xoogga saaraya kaalmeynta Dadka tabaalaysan ee kasoo barakacay degaannada ay go’doomiyeen argagixisada Al-shabaab,kuwaas oo la il-daran dhibaatooyin kala duwan oo u geysteen nabad-diidka.