Shirka golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo goordhow ka furmay xarunta Villla Hargeysa

Waxaa goordhow xarunta Villa Hargeysa ka furmay Kala Fadhiga 1aad Kulankiisa 1aad ee Baarlamanka 11-aad, waxaana ghir guddominaya guddomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Cabdisalaan Axmed Liiban.

Kulanka ayaa warbixn kooban lagu siin doonaa xildhibaanada cusub iyo howlaha horyaala, iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka guddoomiyeyaasha iyo madaxweynaha.

Gudoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa jeedinaya khudbad kooban oo uu kaga hadlayo qorshaha Baarlamaanka oo maanta yeelanaya fadhigoodii koobaad.