Heshiis laga gaaray saddexdii kursi ee laga laalay Koofur galbeed

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103 oo laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in lagu noqonayo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada.

Xildhibaannada la doortay ee kasoo jeeda koofur galbeed oo intooda badan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa inay maanta iyo berrito soo gaaraan Muqdisho si ay ugu qayb qaataan shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.