Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo daah furtay kormeerka Taya-dhowrka Waxbarashadda dalka

Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Marwo Nuuriya Aadan Ciise ayaa Magaalada Muqdishu ka daah furtay kormeerka Taya-dhowrka Waxbarashadda dalka kaasi oo ay sa-wada jira usameynayaan Wasaarada Waxbarashada DFS iyo Wasaaradaha Waxbarashadda Dowlad Goboleedyada, Koofur-Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Kormeerkaan oo socon doona muddo 14 Maalin ah ayaa laga daah furay Iskuulka 21 Oktoobar, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxda Taya-dhowrka iyo Halbeegyada Wasaaradda Waxbarashada, Agaasinka Waxbarashadda Gobolka Banaadir, kormeerkaan ayaa si isku mid ah uga bilaaban doona Gobolka iyo Dowladda Goboleedyadda dalka, taasi oo lagu qiimeyn doono tayada Waxbarshadda ee Iskuulada, si ay-u-sahlanaato in xog sugan laga hela Tayada Waxbarashadda