Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo wada Shahaada siinta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya:

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay wali wada Shahaada siinta xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya,iyadoo wali xarunta guddiga ay soo gaarayaan xildhinnada aan wali qaadan Shahaadada sii ay u qaataan.

Xildhibannada ugu horeyay ee maanta qaatay Shahaadad waxa kamid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna musharrax Madaxweyne Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ku guuleysatay Kursiga Hop#262 & Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud Cumar oo iyana loo doortay Kursiga Hop#211.

Guddiga aya wali wada diiwaangalinta iyo shahaada siinta  xildhibaannada,iyadoo la filayo in ilaa Galabta ay wadaan howsha bixinta Shahaadad.waxan goobta ay howsha ka socoto ku sii qul qulayo xildhibaanna doonayo in ay qataan Shahaadad xildhibanimo ee Xildhibaannada Baarlaamnka 11-aad Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.