Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk, halkaasi oo ay ku naf wayeen ugu yaraan 50 qof, halka ku dhaawacmeen  ku dhawaad 400 oo qof.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 45-aad, Iyadoo dalalka reer galbeedka ay sii wadaan inay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Moscow, in kastoo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky  uu dib u cusbooneysiiyay dalabkiisa ku aaddan inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.