Xubin kamid ah Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Mowliid Maxamed Sheekh Manuur oo ka mid ahaa mufdo 5-Sano ah Kooxda Nabadiidka Al-shabab.Mowliid ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka.

Mowliid ayaa Nabadiidka Al-shabab u qaabilsanaa Jabhadeyn, isagoo ka howlgaleyey Gobolada Bakool , Galgaduud , Mudug, iyo Shabeellaha dhexe.

Wuxuuna sheegeyey in sababta ku Kaliftey in Al-shabab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay habeen iyo Maalin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo ka been sheegashada Diinta Islaamka.