Ruushka oo ku hanjabay adeegsiga Hubka Nukliyeerka

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay Duqeeymo ba’an ay ka geeysteen magaalada Mariupol ee dalka Ukraine, kadib go’doomin ay maalmo ku hayeen.

Madaxweynaha Ukraine ayaa lagu casuumay inuu ka hadlo shir madaxeedka dalalka ku midoobay NATO, taasi oo keentay in Ruushka uu ku hanjabo inuu isticmaali doono hubka Nukliyeerka haddii uu khatar amni dareemo.

Sida laga soo xigtay saraakiisha reer galbeedka, ciidamada Ruushka ayaa horumar dagaal ka sameeyay koonfurta iyo bariga dalkaasi Ukraine, wallow la sheegay in meelaha qaar ay ciidamada Ruushka, kala kulmeen dagaallo culus.

Dagaalka ka socda Ukraine oo galay maalintii 28-aad oo xariir ah ayaa u muuqda mid aan hakad laheyn, inkastoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.