Galmudug oo laga xusay maalinta biyaha Adduunka

Dhuusamareeb- Waxaa manta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug lagu qabtay xuska maalinta biyaha Adduunka.

Munaasabadda xuska maalinta biyaha Adduunka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Agaasimayaal, madaxda maamulka Dhuusamareeb iyo khubaro ka qayb-galayaasha la wadaagay xaddiga biyo yarida jirta iyo sababaha dhalin kara in xaaladdu sii adkaato.

Wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawe ayaa sheegay in abaarta jirta ay tusaale u tahay heerka dadku gaarsiisan yihiin iyo sida ay ugu baahanyihiin biyo nadiif ah.

Xuska maalinta biyaha Adduunka ayaa ku soo aadeysa iyadoo guud ahaan degaanada Soomaalida ay ka jirto biyo yari lagana cabsi qabo in ciriiriga xagga biyaha uu sii galaafto nolosha dad iyo duunyo.