Muxuu yahay amarka Ruushka ee ay Ukraine iska diiday?

Dhowr saacadood ayaa hadda ka soo wareegtay xilligii uu Ruushku u qabtay Ukraine in ay soo wareejiyaan magaalada dekedda leh ee Mariupol ee go’doonsan, halkaas oo la rumaysan yahay in 300,000 oo qof ay ku xayiran yihiin, sahaydana ay sii yaraanaysa.

Muxuu yidhi Ruushku?

Milateriga Ruushka ayaa Ukraine u qabtay ilaa 05:00 wakhtiga Moscow (02:00 GMT) maanta oo isniin ah si ay dhiibaan magaalada, iyagoo ballan qaaday in taa beddelkeeda ay heli doonaan laba waddo oo nabdoon si ay dadka rayidka uga baxaan magaalada.

Sidee ayay Ukraine uga jawaabtay ?

Ukraine way diiday dalabka Ruushka waxayna tiri. “Ma jirto cid isasoodhiibeysa ama hub la dhigaayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ukraine oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Ukrainska Pravda.