Wasiirka Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS oo kulan laqaatay Madax ka Socotay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta ee Xuluumadda Soomaaliya  Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Maxamed Bamba Maxamed Agaasimaha Guud Ergo Goboleedka ujoogta Soomaaliya Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka ayaa si qotodheer u dul istaagay muhiimada ay leedahay in la adkeeyo iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Islaamka.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagay duruufaha ugaarka ah dalkeena Soomaaliya, sida kasoo kabashada burburka dowladnimada, Abaaraha soo noqnoqday iyo dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan kooxaha loogu yeero Argigixisada.

Sidoo kale Waxa uuna ka codsaday in ay qeyb mug leh ka qaataan gurmadka Abaaraha, Tababarida ducaada iyo dabargoynta fikradaha Xagjirnimada rabshadaha wata.

Agaasimaha Guud ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay codsiyada Wasiirka, isagoo ku amaanay howlaha baaxada leh ay Wasaaraddu ka shaqeynayso, waxa uuna balanqaaday in uu waxka qaban doono howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Codsigaan kasoo yeeray Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kajiraan abaaro baahsan oo saameyn ku yeeshay dad iyo Duunyo.