Ciidamada amniga oo howlgal gaar ah ka fuliyay magaalada Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay xaafado ka tirsan degmada Dharkenley, kaas oo ay ku beegsanayeen dadka isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya iyo ciyaal weero dhib badan ku haayey shacabka ku dhaqan degmadaas.

Taliyaha Booliiska ee qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre ayaa sheegay in howlgankan uu ka danbeeyey ka jawaabida cabasho ka timid dadka deegaan oo dhibaato xooggan kala kulmay dhalinyaro abaabulan oo xaafadaha degmadaas ka wada fowdo iyo arbushaad iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooroya.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay nuucyadda kala duwan ee waxyaabaha  maandooriyaha iyo dad ka ganacsanayay, isaga oo waalidiinta ugu baaqay in ay Carruurta dadka dhibaateeynaya ay ceshadaan.