Ciidamada Dowladda oo ka hortagay Qarax miino

Ciidamada xoogga dalka ayaa ka hortagay dhagar qabe ka tirsan kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab oo doonayay inuu miino ku aaso deegaanka goof-guduud ee duleedka magaalada Baydhabo.

Ciidamada oo ka war qabay dhagarta argagixisada ayaa ka hortagay miinadaasi  oo maleeshiyada Al-shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka degaankaas.

Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay mootada nooca laba lugaaleeyda ah ee Fekonta loo yaqaan oo uu watay dhagar-qabaha.