Abaarta oo sii adkaaneysa iyo ciidamada xoogga dalka oo gurmad u sameynaya qoysaska ay saameysay

Ciidamada xoogga dalka ayaa gurmad u fidiyay qoysaska ay saameynta ku yeesheen abaarta ka jirta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka, kuwaas oo u badan carruur, haween iyo dad da’ ah.

Ciidamada oo naftooda u huraya badbaadinta shacabkooda iyo dagaalka argagixisada ayaa hadana dhinac kale waxay go’aansadeen olole ay ugu gargaarayaan shacabkooda dhibaateeysan, waxayna howlahaas gargaarka ah ka socdaan gobolada Baay , Bakool, Shabeellaha, Jubbada Hoose, Gedo, Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale, ciidamada  oo u damqaday shacabka ayaa ku kaalmeynaya raashiinkii ay isticmaalayeen iyo biyo dhaamin ay u sameynayaan dadka ay abaarta soo barakicisay, kuwaas oo aan labo sano helin roobkii ay xoola dhaqatada iyo beeraladeyda ku dhaqnaayeen.

Waxaa sii adkaaneysa abaarta baxaadda leh ee ku habsatay dadka iyo duunyada ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee ka fog wabiga Shabeelle, kuwaasoo ay soo food saartay biyo iyo baad la’aan aad u daran.