Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada gudiga hirgalinta doorashada dowladda Hirshabeelle ka qaaday Mudane Axmed Xasan Diini.
Waxaana xubinimada gudiga loo magacaacabay Mudane Maxamed Xuseen Maxamed Waadi.
Mudane Axmed Xasan Diini ayaa lagu eedeeyay xagal daacin iyo hufnaan la’aan shaqo iyo inuu guddiga ka leexiyay habsami u socodkii iyo habraacyada doorashada.