Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay gudiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT)

Madaxweynaha ayaa gudiga uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen qabashada doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

15-kii bishan Maarso, sanadka 2022, ayaa magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Koonfur Galbeed ku matayalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.