Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ku bur buriyay xarumo Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen

Ciidamada Xooga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose waxay ku bur buriyeen goobo nabad-diidka Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Howlgal oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ururka 64-aad ee ciidamada xooga dalka ayaa laga fuliyay tabeelaha Sagaroole,Ramakulow iyo tuulooyin hoostaga degaanka Warmaxan ee gobolka shabellaha Hoose.

Sidoo kale, inta uu howlgalka socday waxay ciidamada soo saareen miinooyinka argagixisada ku aaseen hareeraha wadada isku xirta degmada Walaweyn iyo deegaanka Warmaxan.