Kulan kusaabsan arrimaha dib u heshiisiinta oo Dhuusamareeb lagu qabtay

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gabogabeeyey kulan wada tashi ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug kaas oo ku saabsanaa hanaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Kulanka oo shan maalin socday ayaa waxaa loo qabtay odayaasha dhaqanka ee Galmudug, iyadoo qeybaha kala duwan bulshada reer Galmudug kasoo qeyb galeen.