Caruur ku geeriyootay duqeyn ay geysteen ciidamada Ruushka

Saddex caruur ah iyo laba qof oo kale ayaa ku geeriyooday kadib duqayn ciimada Ruushku ka geysteen magaalada Chernihiv ee dalka Ukraine
Shan mayd oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa laga soo saaray burburka dhisme ku yaal magaalada Chernihiv ee dalkaasi Ukraine, sida ay sheegaan saraakiishu,ka dib markii halkaas Ciidamada Ruushku ka geysteen duqayn culus.

Hay’adda Gurmadka deg-degga ah ee dawladda Ukraine ayaa sheegtay in kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ay heleen meydadka, xilli ay ku hawlanaayeen sidii ay burburka uga soo saari lahaayeen dadka ku waxyeeloobay duqaynta.

Dhanka kale, madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, Andriy Yermak, ayaa sheegay in la sii daayay duqa magaalada Melitopol Ivan Fedorov, oo ay af-duubteen ciidamada Ruushka.