Muwaadiniin Soomaaliyeed oo weerar loogu geeystay Canada

Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada, gaar ahaan magaalada Edmonton ayaa sheegay inay ka walaacsanyahiin weeraro dhawaan loo geeystay dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo lagu weeraray magaalada Edmonton, maamulka Jaaliyadda ayaa sheegay in mid kamid ah muwaadiniintan uu dhintay dhaawacii loo geeystay, halka kuwa kalena ay la liitaan dhaawacyadii soo gaareay.

laamaha amniga Canada, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada Edmonton ee dalka Canada ay qabteen Gaari looga shakisan yahay inay lahayeen dadkii weerarka geystay.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Edmonton ee dalka Canada kusoo badanayay weerarka lagu haayo dadka Soomaalida ah, kuwaasi oo la sheegay in ay geeystaan kooxo Burcad ah oo u dhashay Canada.