Xildhibaannadii ugu dambeeyay koofur galbeed oo maanta lagu doortay Baydhabo

Toddoba Kursi oo ka harsanayd 69 xildhibaan oo ay degaan doorashoodu tahay koofur galbeed ayaa maanta lagu doortay magaalada Baydhabo.

Xildhibaannada maanta lagu doortay Baydhabo ayaa kala ah Xaawo Sokor Ali, Maxamed Abuukar Abdi , Mahad Abdiraxmaan Aadan, Cumar Ali isxaaq , Isaaq Cali Subag, Maryan Macalin isxaaq iyo Maxamed Keeroow Maxamed.

Koofur galbeed ayaa noqoneysa maamul goboleedkii labaad ee soo gabagabeeyo doorashada xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya, waxaana sidoo kale 21 kii febaraayo 2022 soo dhamaatay doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.