RAISUL WASAARE KU XIGEENKA DALKA OO DAAHFURAY MUSAABAD DIB LOOGU FURAYO DHOOFINTA XOOLAHA SOOMAALIYA EE DALKA SACUUDIGA

Raysal wasaare ku xigeenka dalka mudane mahdi maxamed guuleed ayaa si rasmiya u daahfuray munaasibad balaaran oo dawladda soomaliya ku shaacinaysay dib ufurista xoolaha dawladda soomaliya u dhoofin jirtay dawladda sucuudiga oo istaagtay wixii ka danbeeyey sanadkii 2016kii.

munaadibadda waxaa goobjoog ah safiirka dawladda sucuudiga u fadhiya somaliya, wasiiro ka tirsan dawladda iyo masuuliyiin kale waxaana munaasibada soo qaban qaabiyey wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa.