Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geeriddii Marxuun Xuseen Cali Cosoble

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka  oo ka tacsiyeeyey Geeriddii  ku timid mid ka mid shaqaala hay’adda Duulista.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa qoraalkiisa  ku bilaabay,.

Tacsi Innaa lilaahi wa inaaa Ilahay Raajicuun.

Waxaan Ummadd Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladiisa iyo Asxaabtiisa uga Tacsiyaynayaa Geeriddii Naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u Naxariistee Marxuun Xuseen Cali Cosoble.

Marxuun Xuseen Cali in ka badan 40 Sano ayuu u soo adeegayay Qaranka, isagoona ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka ah, waxaana alle uga baryayaa inuu Janatul fardowsa ka waraabiyo dambigiisana dhaafo.

.   أنا لله وإنا إليه راجعون