Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo dib loo doortay

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta ka bilaabatay doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku soo baxay kursiga koowaad oo tirsigiisu yahay HOP#069 ee golaha shacabka, isaga oo helay 97-cod.

Doorashada kuraasta kale oo wali socota, ayaa qorshaha wuxuu yahay in maanta magaalada Gaalkacyo lagu doorto ilaa saddex kursi, waxaana harsan labo kursi.