Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo daah-furay aqoon iswaydaarsi ku saabsan dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Xasilinta Qaranka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshisiinta Xukuumadda Federaalka Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow ayaa Maanta daahfuray aqoon iswaydaarsi ku saabsan dib u eegista Istaraatiijiyadda Xasilinta Qaranka.

Kulanka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Xasilinta Qaranka.

Aqoon iswaydaarsigani ayaa waxaa kasoo qayb galay Hay’adaha Dowlada Soomaaliya ee Shaqadooda la xiriirto Xasilinta , Dowlad Goboleeyada, Gobolka Banaadir iyo xubno kale.